Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa khudbad uu maanta jeediyay si adag hadalo xanaf leh ugu weeraray Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, kadib markii uu ku eedeeyay inay muddo sanado ah faragelin ku haysay arrimaha gudaha iyo siyaasadda Soomaaliya.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Imaaraadku uu si sharciga ka baxsan Soomaaliya uu heshiisyo dekedo la xariria ula galay maamulada Somaliland, Puntland iyo Jubbaland, kuwa oo uu xusay inay yihiin hanti qaran oo ay wada leeyihiin shacabka dalka.
“Muddo sanado ah, Imaarat-ka Carabta waxay si joogta u faragalinayeen arrimaha gudaha iyo Siyaasadeena Soomaaliya. Wuxuu heshiisyo dekadeed la galay maamul goboleedyo, kuwaas oo ku saabsan Dekadaha Berbera, Boosaso iyo Kismaayo” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa Imaaraadka ku eedeeyay inuu Soomaaliya ka dhisay saldhigyo milateri iyo ciidamo aan hoos imaan hay’adaha amniga qaranka, isaga oo sheegay in arrintaasi ay wiiqayso midnimada iyo awoodda hay’adaha amniga dalka.
“Imaaraat-ku wuxuu ku dhiiraday inuu dhiso salhdigyo Milateri iyo Ciidamo ka baxsan xayndaabka amniga qaranka Soomaaliya, isaga oo aan ogolaanshiyo ka heysan dowladda Federaalka Soomaaliya. Ciidan aan ka amar qaadan talisyada qaranka, waa ciidan wiiqaya awoodda midnimada hay’addaha amniga ee dalka”
Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa sheegay in Dowladda Imaaraadku ay maamul-goboleedyada qaarkood siisay taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaale, si ay uga hor yimaadaan Dowladda Federaalka, taas oo uu ku tilmaamay mid dhiirrigelinaysa khilaafaadka siyaasadeed iyo kala qaybsanaanta bulshada Soomaaliyeed.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale Imaaraadka ku eedeeyay inuu door ku lahaa aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland, isaga oo xusay in Imaaraadku uu ka gaabsaday saxiixa bayaannadii ay dalalka Carabta iyo Muslimiintu ku cambaareeyeen tallaabadaas.
Isaga oo farriin toos ah u dirayay Dowladda Imaaraadka, ayuu Madaxweyne Xasan Sheekh sheegay in Soomaaliya maanta aysan ahayn dal daciif ah, balse ay tahay qaran leh dowlad sharci ah,ayna ilaalin doonto madaxbannaanida dalka.
Waxa uu intaas ku daray in albaabka wadahadalka uu u furan yahay Imaaraadka, waa haddii uu muujiyo ixtiraam iyo aqoonsi buuxa oo ku aaddan madaxbannaanida dhuleed ee Soomaaliya, balse uu caddeeyay in dalku difaacan doono danihiisa iyo madaxbannaanidiisa.
“Soomaaliya maanta aha Soomaaliyadii shalay ee la moodayey inay daciif tahay waxaan nahay qaran leh Dastuur, dowlad sharci ah iyo shacab go’aansaday inuu ilaashado karaamadiisa, madaxbanaanidiisa iyo midnimadiisa. Hasa yeeshee albaabkeenu wuu furan yahay, haddii aad la timaadaan ixtiraam, qadarin, sinaan iyo aqoonsi buuxa oo ku aadan madaxbaanida iyo midnimada dhuleed iyo dadeed ee Soomaaliya, laakiin haddii aad doorataan inaad sii wadaan jidkan qaloocan ogaada in Soomaaliya ay difaacan doonto dalkeeda, iyada oo maraysa waddo kasta oo shuruucdeena na farayso, qawaaniinta caalamiga ahne ogoshahay,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Wuxuu ku eedeeyey in Imaarat-ka Carabta burburka soo gaaray dowladaha Yemen iyo Liibiya, isaga oo sheegay in qorshahoodda uu yahay in sidaasi oo kale la rabaan Suudaan iyo Soomaaliya.
“Dowladda Imaaraadka waxay tagtay Liibiya, waxay ka soo tagtay iyadoo kala qaybsan. Sidoo kale waxay tagtay Yemen, waxayna ka soo tagtay iyadoo kala qaybsan. Maanta sidaas ayay la doonayaan Suudaan iyo Soomaaliya,” ayuu yiri Xasan Sheekh.
Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyay in khilaafaadka siyaasadeed ee Soomaaliya lagu xallin karo oo kali ah wadahadal gudaha ah, isaga oo diiday faragelin shisheeye.
“Khilaafaadkeena siyaasadeed waxaan ku xalin karnaa, kuna xalin doonaa miis wadahadal oo Soomaali ah, ee kuma xalin doono faragalin iyo gacmo shisheeye iyo baaqyo shisheeye,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Sanadkan, 12-kii bishii Janaayo, Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa ku dhawaaqday in ay baabi’isay dhammaan heshiisyadii iskaashiga ee ay la lahayd Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta, oo ay ku jireen heshiisyo la xiriiray amniga iyo difaaca.
Go’aankaas waxaa uu ku soo baxay shir degdeg ah oo Golaha Wasiirrada yeesheen, kaas oo waqtigiisa laga soo hormariyay, waxaana lagu sheegay in uu ahaa mid lagu difaacayo madax-bannaanida, midnimada qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka.
Bayaanka maalinkaasi soo baxay wuxuu dhigeyey in Soomaaliya baabi’isay dhammaan heshiisyadii iskaashi ee ay kula jirtay Dowladda Imaaraadka, kuwaa oo ka socday dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo iyo sidoo kale heshiisyadii laba geesoodka ahaa ee dhinacyada amniga iyo difaaca ee u dhexeeyay labada dal. Golaha Wasiirrada ayaa maalinkaasi xusay in falalkaasi ay ka hor imaanayaan mabaadii’da gobonnimada, iyo ixtiraamka madaxbanaani ee dalka.
Wallow uu sii xumaanayo cilaaqaadka labada dal, hadane Warbixin ka soo baxday Qaramada Midoobay bishii September ee sanadkan 2026 ayaa lagu sheegay in magaalada Boosaaso ee Soomaaliya ay ka mid tahay marinno loo adeegsaday gudbinta taageero ku socota ciidamada RSF ee dagaalka kula jira milatariga Suudaan. Waxyaabaha ku jiray xogtaasi waxaa ugu cuslaa in saadka ah iyo ciidamo laga so daad-gureeyey Imaaraadka Carabta iyo Colombia ay maraan Boosaaso, dalka Chad iyo koonfur-bari wadanka Liibiya, iyada oo ugu dambeyn gaaraya Suudaan.
Hbn Online Tv

