Warbixin maanta ka soo baxday Qaramada Midoobay ayaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ee Soomaaliya ku xustay marinno la sheegay in loo adeegsaday gudbinta taageero ku socota ciidamada RSF ee dagaalka kula jira milatariga Suudaan.
Warbixinta ayaa sheegtay inay jiraan sababo macquul ah oo lagu rumaysan karo in shirkado gaar loo leeyahay, dad ka shaqeeya howlaha saadka ah iyo ciidamo qorista oo ka hawlgala dalal ay ka mid yihiin Imaaraadka Carabta iyo Colombia ay magaalada Boosaaso, dalka Chad iyo koonfur-bari wadanka Liibiya u adeegsadeen marinno lagu fududeeyo gudbinta ciidamo, tababbar militari, hub iyo saanad loo dirayo RSF.
Guddiga Xaqiiqo-Raadinta ee Qaramada Midoobay ayaa ku baaqay in la baaro dhammaan dhinacyada amra, maalgeliya, sahayda bixiya ama fududeeya dambiyada caalamiga ah ee Suudaan.
Ilaah hadda, maamulka Puntland kama aanu jawaabin warbixintan ka soo baxday Qaramada Midoobey, iyada oo horey Dowladda Soomaaliya u sheegtay in Boosaaso marin u tahay gudbinta kala daabulidda sahayda ciidan ee loo gudbiyo Suudaan, wallow arrinkaasi Puntland ay beenisay xilligaas.
Dowladda Soomaaliya ayaa 12-kii bishii Janaayo ee sanadkan 2026, waxay soo saartay go’aan ay xiriirka ugu jartay dowladda Imaaraadka carabta. Qoraal maalinkaas ka soo baxay Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen tallaabadan ay timid kadib markii ay heleen warbixinno ay ku go’aan gaari karaan, iyada oo lagu yiri “Go’aankaan waxa uu la xiriiraa warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada,midnimada qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka”.
Dowladda Imaaraadka Carabta lagu eedeeyey in ay adeegsato garoomo iyo dekado ay kamid yihiin garoonka magaalada Boosaaso, iyada oo ‘ka dhoofisa, kana soo dejisa ciidan, saanad ciidan iyo qalab kale, kuwaas oo aysan ka war haynin dowladda dhexe ee Soomaaliya.
HBN ONLINE TV

