Dagaal culus oo markale ka qarxay magaalada Mooyaale

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo saaka ka qarxay magaalada Mooyaale, kaddib markii ciidamada maamulka Oromada ay weerar ku qaadeen gudaha degmada, iyagoo adeegsanaya madaafiic, gantaallo iyo hub culus.

Shacabka Soomaalida ayaa la sheegay inay sameeyeen iska caabin xooggan, hase yeeshee weerarka ayaa sababay khasaare hantiyeed, waxaana dab la qabadsiiyay dukaamo iyo goobo ganacsi oo ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed.

Muuqaallo laga soo duubay magaalada ayaa muujinaya xaalad adag, iyadoo qof ka mid ah dadka deegaanka uu ku tilmaamay goobta mid noqotay meel xaaladeedu adagtahay. Ilaa hadda lama soo sheegin khasaaraha ka dhashay ee dhimasho iyo dhaawac.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo ay sii xoogaysanayaan colaadaha u dhexeeya bulshooyinka Soomaalida iyo Oromada ee koonfurta Itoobiya.

Sidoo kale, Dadka jooga magaalada ayaa ku baaqaya in dagaalka la joojiyo, maadaama uu sii kordhayo khasaaraha.

Dagaallada ayaa sababay barakac ballaaran, iyadoo kumannaan qof ay u qaxeen dhinaca Kenya.

Jicmihii todobaadkii ina waydaaetay, Guddoomiyaha gobolka Marsabit ee Kenya, Maxamed Cali, ayaa sheegay in 2 qof oo deegaanka ka soo jeeda ay ku dhinteen rasaas habowday, halka 22 kalena ay dhaawacmeen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in iska dhacyada gobolka ay sababeen in ku dhowaad 50-kun oo qof ay guryahooda ka barakaceen, iyadoo kumannaan qof ay hoy ka heleen xeryo ku-meel-gaar ah, halka qoysas kalena ay magan-gelyo ka heleen bulshada deegaanka.

Hay’adda ACLED oo la socota dhaqdhaqaaqyada hubeysan ayaa sheegtay in xiisadda ugu dambeysay ay bilaabatay 18-ka bishii hore ee Oktoobar, kaddib markii xafiis cusub oo maamulka Dowlad Deegaanka Soomaalida uu ka furay goob lagu muransan yahay, halkaasna laga taagay calanka maamulka.

Colaaddan ayaa carqaladaysay ganacsiga, waxbarashada iyo adeegyada muhiimka ah, iyadoo ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo amniga iyo xaaladda bani’aadannimo ee xuduudda labada dal.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed