Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa dalka dib ugu soo celisay 171 muwaadin Soomaali ah, oo ay ku jiraan carruur aan qaan-gaarin, kuwaas oo ku Xirnaa xabsiyada dalka Liibiya.
Muwaadiniintan ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, kaddib dadaallo ay sameysay dowladda Soomaaliya oo kaasheysa Hay’adda Arrimaha Socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM
Xubno kamid ah Golaha Wasiirrada Soomaaliya sida Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Caafimaadka ayaa Muqdisho ku soo dhaweeyay Muwadiniintan.
Soomaali badan oo tahriib ku doonaya inay gaaraan dalalka Yurub ayaa ku xiran xabsiyada dalka Liibiya, halkaas oo qaarkood ay ku xiran yihiin xarumaha dadka lagu hayo, iyagoo wajahaya xaalado nololeed oo adag.
Dhawaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in sannadkan gudaha dalka lagu soo celiyay in ka badan 1,000 ruux oo ku xirnaa Xabsiyada dalka Liibiya.
Bishii hore October, 29-keedii DFS ayaa dalka dib ugu soo celisay 169 muwaadin oo muddo ku dhibaateysnaa xabsiyada kooxaha magafayaasha ee dalka Liibiya. 29 kamida ahaa laga dejiyey Hargeysa.
Soo celintan ayaa timid iyadoo DFS ay sheegtay inay wado dadaallo joogto ah oo ay ku bixineyso badbaadinta muwaadiniinta ku xayiran Liibiya. 12-kii isla bishaasi Oktoobar, waxaa dalka dib loogu soo celiyey 162 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo 20 tiradaasi ku jirtay Hargeysa laga dejiyey.
Soo celintan ayaa tirada ka dhigeysa mid sii kordheysa marka la barbar dhigo howlihii socday ee sanadihii hore.
Hadaan dib u raacno xogaha ay keydka ee arrimihaan ee HBN ONLINE TV ka keydisay waxay muujinayaan in 2-dii Luulyo waxaa dalka lagu soo celiyey 129 qof. Sidoo kale, 23-kii Abriil waxaa la soo celiyey 174 muwaadin oo ku dhibaateysnaa dalkaasi.
Dhallinyarada Soomaaliyeed ee u tahriiba Liibiya ayaa doonaya inay gaaraan qaaradda Yurub, inkasta oo ay inta badan la kulmaan xarig sharci-darro ah, jirdil, madax-furasho lacageed iyo halisaha safarka badda.
Xabsiyo sharci darro oo ku yaalla gudaha Liibiya ayaa la sheegay in weli ay ka jiraan tacadiyo adag oo ay la kulmayaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo u xiran kooxaha Magafayaasha ah.
HBN ONLINE TV

