DFS oo sheegtay inay jiraan qorshayaal & dhagarro ay horboodayaan dhinacyo shisheeye oo ka dhan ah amniga iyo xasilloonida dalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa maanta magaalada Muqdisho kula kulmay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya, Danjire Wang Yu, iyaga oo ka wada hadlay xaaladda amniga dalka, gaar ahaan qorshaha kala-guurka amniga iyo sidii Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ay ula wareegi lahaayeen mas’uuliyadda amniga marka ay baxaan Ciidamada AUSSOM.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray taageerada Shiinaha ee Soomaaliya iyo ilaalinta madax-bannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Wasiir Fiqi ayaa sheegay in ay jiraan qorshayaal iyo dhagarro ay wadaan dhinacyo shisheeye oo uu ku eedeeyay in ay ka dhan yihiin amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, isaga oo xusay in dowladda Federaalka ay si dhow ula socoto, ayna ka hortagi doonto hirgelintooda.

“Wasiir Fiqi ayaa kulanka ku xusay inay jiraan qorshayaal iyo dhagarro ay horboodayaan dhinacyo shisheeye oo ka dhan ah amniga iyo xasilloonida dalka, kuwaas oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si dhow ula socoto, isaga oo caddeeyay in aan la oggolaan doonin in ajendayaashooda gurracan ay ka hirgalaan dalka” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay Wasaradda.

Wasiirka ayaa dhanka kale uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada ay siiso Soomaaliya, isaga oo bogaadiyay mowqifka Beijing ee ku aaddan madax-bannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Kulanka waxaa imaanayaa saacado kadib markii shalay Wasiirku Muqdisho uu kula yeeshay Sii-hayaha Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya Ruth Anne Stevens-Klitz, iyaga oo ka wada hadlay iskaashiga amniga iyo qorshaha kala-guurka amniga dalka. Inta lagu jiray kulankaasi waxaa la isku soo hadal qaaday howlgalka AUSSOM, taageerada maraykanka ee ciidamada Soomaaliya iyo qorshaha la wareegidda saldhigyada ay banneynayaan ciidamada Uganda ee dalka ka baxaya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed