Turkiga oo ka hadlay ciidamo gorgor ka tirsan ee tababar sare ku soo qaatay dalkiisa

Dowladda Turkiga ayaa sheegtay inay sii wadi doonto taageerada iyo tababarrada ay siiso ciidamada Soomaaliya, si loo xoojiyo awoodda amni ee dalka.

War ka soo baxay safaaradda Ankara ee Muqdisho ayaa  hambalyo loogu dirtay ciidamada Kumaandooska Gorgor ee xoogga dalka Soomaaliya, kadib markii ay dalkaasi ku soo dhameysteen tababar milatari, iyada oo loo rajeeyey guul iyo horumar ku aaddan gudashada waajibaadkooda qaran.

Ciidamada Gorgor ayaa door muhiim ah ka qaata sugidda amniga iyo xasilloonida Soomaaliya, gaar ahaan howlgallada lagula dagaallamayo kooxda Alshabaab.

Sidoo kale, Turkiga ayaa xaqiijiyey inuu sii wadi doono garab istaagga Soomaaliya, iyada oo ka shaqaynaysa dhismaha Soomaaliya xooggan, ammaan ah, isla markaana leh awood ciidan oo ku filan difaaca dalka iyo ilaalinta madax-bannaanidiisa.

Hbn Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed