Maamulka Jubbaland oo sheegay ciidamadiisu maanta la wareegeen xarumihii  Beled-Xaawo

Ciidamada Jubaland ayaa si rasmi ah ula wareegay sida la sheegay xarumihii dowladda ee magaalada Beled-Xaawo, kaddib markii ciidamadii Nabad-sugidda Federaalka ee ku sugnaa halkaasi ay ku biireen dhanka Jubbaland.

Ku biirista ciidamada Nabad-sugidda ee Dowladda Federaalka ee Jubaland ayaa suuragelisay sida ilo madaxbanaan xaqiijyeen kadib markii in maamulk la wareegay xarumihii dowladda ee magaalada, oo ay ugu horreyso xarunta Socdaalka iyo Jinsiyadda (Immigration).

Tallaabadan ayaa Jubbaland ku sheegtay inay timid kaddib dadaallo nabadeed oo socday, ahaane dib u soo celinta gacan ku heynta magaalada ay hirgaleeen.

Ilaa hadda Dowladda Soomaaliya ka ma jawaabin la wareegista ciidamada Jubbaland ee magaalada Beledxaawo oo gacanteeda ka baxaya, iyada oo tan iyo dhamaadkii sanadkii hore ay halkaasi ka dheceen dagaallo khasare dhimasho badan dhaliyey ay kula gashay Jubbaland.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed