Taliska Ciidanka Somaliland ayaa xog cusub ka bixiyey kulan la sheegay in dhinaca iskaashiga difaaca ah uu la xariiray oo dhexmaray saraakiil sare oo ka socday Itoobiya iyo taliyaha ciidamada Somaliland, kaasi oo la tilmaamay in looga hadlay arrimaha amniga ee gobolka.
Sida lagu sheegay warbixinta taliska ciidamada Somaliland, Taliyaha Guud ee Ciidamada Sarreeye Guuto Nimcaan Yuusuf Gaaxnuug, ayaa magaalada Hargeysa ku qaabilay saraakiil sare oo ka socday Itoobiya, iyo xubin magiica lagu soo koobay Teshome oo Somaliland ku sheegtay safiirka Itoobiya u fadhiya Somaliland. Xubnahan oo magacyadooda la xusin ayaa la tilmaamay in Somaliland ku joogaan qaab ah Qunsulka Guud ee Itoobiya iyo u-qaybsanaha difaaca ee safaaradda Itoobiya.
Kulanka ayaa la sheegay in diiradda lagu saaray xiriirka iyo iskaashiga dhinaca difaaca ee labada dhinac, iyadoo sidoo kale laga wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee gobolka ka socda.
Sidoo kale, Labada dhinac ayaa sheegay inay kawada hadleen xoojinta iskaashiga amniga & sidii wax looga qaban lahaa caqabadaha amni ee ka jira gobolka.
Taliyaha Guud ee Ciidanka ayaa sheegay in Somaliland ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga dhinaca ciidamada, si loo taageero nabadda iyo xasilloonida gobolka.
HBN ONLINE TV

