In ka badan 160 muwaadiniin Soomaali ah oo ku jiray Xabsiyada Magafayaasha Liibiya oo dib loo soo celiyey

Dhalinyaro Soomaaliyeed oo tiradoodu tahay 162 qof oo ku jiray xabsiyada kooxaha magafayaasha ee dalka Liibiya ayaa maanta dib loogu soo celiyey dalka, iyadoo dowladda Federaalka iyo Xafiiska Midowga Yurub ay iska kaashadeen soo celintooda.

142 kamid ah Dhalinyarada la soo celiyey ayaa galinkii dambe ee maanta la soo dejiyey magaalada Muqdisho, iyadoo 20 kale loo weeciliyey Hargeysa. Soo dhaweynta qaar ka mid ah dhalinyarada waxaa ka qayb qaatay waalidiintooda oo u yimid inay dib ula midoobaan carruurtooda.

Soo dhoweynta muwaadiniintan waxaa ka qeyb galay masuuliyiin sare oo ka tirsan dowaldda Soomaaliya oo ay ugu horeyso Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo xubno ka tirsan Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacayaasha Qaranka.

Qaar ka mid ah dhalinyarada la soo celiyey ayaa sheegay inay la kulmeen dhibaatooyin adag intii ay ku jireen xabsiyada magafayaasha, kuwaas oo ay ka jireen cunto yari, cudurro iyo xaalado nololeed oo aad u liita. Waxay sheegeen in tacaddiyada iyo duruufaha adag ay saameyn ku yeesheen caafimaadkooda iyo noloshooda.

Inta badan dhalinyarada la soo celiyey ayaa ku xirnaa xabsiga la sheegay inuu ku yaala magaalada Tajura ee waqooyi-galbeed ee Liibiya. Magaladani waxay  dhacdaa xeebta Badda Mediterranean-ka oo qiyaastii 23 kiiloomitir bariga ka xigta caasimadda Tripoli.

Mid ka mid ah dhalinyarada ayaa sheegay inuu xabsiga ku jiray muddo 7 bilood ah, isagoo xusay inay weli jiraan dhalinyaro kale oo xanuunsan, qaarkoodna qaba cudurka cagaarshowga nooca B, kuwaas oo aan lagu soo darin safarkii dib-u-celinta.

“Waxaan ka mid ahaa dhalinyarada laga soo saaray xabsiga Tajura ee Liibiya. Waxaan ku jiray muddo 7 bilood ah, dhalinyaradu waxay ku baxayeen lacagahooda, dib u soo celin ayaa loo soo jarayey. Waxaa jira dhalinyaro xanuunsan oo qaba Cagaarshow (hepatitis B). Anaga oo cuno afka ugu gureyna ayaa hay’addu naga reebtay” ayuu yiri wiil kamid ahaa dhalinyarada la soo celiyey.

Dhalinyarada dalka dib loogu soo celiyey ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay si degdeg ah u soo samatabixiso muwaadiniinta kale ee weli ku xiran xabsiyada Magafayaasha Liibiya. Waxay ka digeen xaaladda adag ee ay ku sugan yihiin dhalinyaradaas, iyagoo dowladda ka codsaday inay dadaal dheeraad ah geliso sidii dalkooda dib loogu soo celin lahaa.

Tani waa mid ka mid ah tiradii ugu badneyd ee dhalinyaro Soomaaliyeed ee laga soo celiyey xabsiyada magafayaasha Liibiya, waxaana ugu dambeeyey 2-dii bishii Luulyo ee sanadkan 2026, kadib markii ay dowladda Federaalka Soomaaliya sheegtay in ay soo celisay 129 muwaadin oo ku dhibaateysnaa dalkaasi, kuwaas oo dib ula midoobay qoysaskooda.

Dhalinyarradaan ayaa intooda badan qaab sharci darro ah ku tagay Liibiya, iyagoo doonaya in ay u sii gudbaan dhinaca qaaradda Yurub, weliba qaab Tahriib ah.

Tahriibayaasha Soomaaliyeed ee Liibiya u socdaalaya ayaa inta badan wajahaan, xarig sharci-darro ah iyo jirdil, madax-furasho lacageed oo qoysaskooda lagu cadaadiyo & halista bad-mareenka, taasoo sanad walba sababta dhimashada boqollaal qof.

Muddo hadda ka yar sanad, waxaa lagu guuleysatay in dalka dib loogu soo celiyo ku dhawaad 640 ruux oo dhamaan dhibaatooyin adag ku haysateen Liibiya. 23-kii bishii April ee sanadkan 2026 waxaa dalka dib loogu soo celiyey 174 muwaadin, halka 23-kii Bishii September 2025 la soo celiyey 173 qof, waxaana intooda badan ahaayeen dhalinyaro ku xirnaa xabsiyo sharci-darro ah oo ku yaalla Liibiya, ayna kala soo kulmeen dhibaatooyin iyo tacadiyo aad u adag.

Howlahan samatabixinta inta ay socdeen waxaa dhacay dhacdooyin murugo leh. 26-kii Bishii April ee sanadkan 2026 ayaa la soo wariyey geerida 17 dhalinyaro Soomaali ah oo ku naf waayey Badda u dhexeysa Spain iyo Algeria, waxaana da’doodu u dhaxeysay 18 ilaa 30 sano sida ay sheegtay dowlada Soomaaliya.

16-kii August 2025, waxaa la xaqiijiyey geerida gabar yar iyo aabaheed oo ka mid ahaa tiro 110 ruux oo 90 Soomali tahay oo doon kula rogmatay Badda Mediterranean-ka, si gaar ah inta u dhexeysa Talyaaniga iyo Liibiya.

Sanadkii hore, Hay’adda Dabagalka Barakacaayaasha ee loo soo gaabiyo (DTM) ayaa sheegtay in 5,435 Tahriibayaal Soomaali ah ay galeen Qaaradda Yurub intii u dhaxaysay Janaayo ilaa Agoosto 2025 kuwaas oo hadda ku kala sugan dalal kala duwan. Soomaalida tahriibtay ayaa ah 4% marka la barbar dhigo tahriibayaasha kale ee Qaaradda Afrika ka socdaashay sanadkii hore ee diiwaankooda sida rasmi ah loo helay, looguna xusay warbixintaan Hay’adda DTM soo saartay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed