Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay caawa inay karantiil gelisay muwaadin Soomaaliyeed oo la xaqiijiyey inuu diyaarad kula safray qof Kenyan ah oo cudurka Ebola ugu geeriyooday todobaadkii hore magaalada Nairobi.
Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in maanta in muwaadinka la geeyey xarunta karantiilka iyo daaweynta Ebola ee Isbitaalka Forlanini ee magaaladaMuqdisho, si xaaladdiisa caafimaad loo qiimeeyo.
Sida ay wasaaraddu ku sheegtay warsaxaafadeed ay soo saartay, labada muwaadin ayaa ka soo wada safray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, iyagoo soo maray Uganda, kuna wada safray gaari geeyey garoonka diyaaradaha Entebbe.
“Xafiiska Soomaaliya ee Xeerarka Caafimaadka Caalamiga ah ayaa ogeysiin rasmi ah ka helay dhiggiisa Uganda fiidnimadii 10ka Oktoobar 2026. Ogeysiiska waxaa ku caddaa in muwaadin Soomaaliyeed iyo Muwaadin Kenyan ah ay ka soo wada safreen Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo (DRC), iyagoo soo maray Uganda. Sida xogta la soo gudbiyey tilmaamayso, labada muwaadin oo rag ah waxay wada degeen hal hoteel, kadibna wada raaceen hal gaari (Taxi) oo geeyay Garoonka Entebbe ee Dalka Uganda” ayaa lagu yiri warka Wasaaradda Caafimaadka.
Hay’adaha dowladda ayaa muddo ku dhow 24 saacadood wadajir ugu raadraacay muwaadinka, iyadoo hadda la baarayo xaaladdiisa iyo dadka uu xiriirka la yeeshay.
Wasaaraddu waxay dadka la kulmay muwaadinka ugu baaqday inay wacaan Lambarka gaaban ee 995. Waxay sidoo kale caddeysay in karantiilku aanu ka dhignayn inuu muwaadinku qabo Ebola.
HBN ONILNE TV

