Soomaaliya ayaa maanta u dabbaaldegtay sannad-guuradii 72-aad ee Maalinta Calanka Soomaaliyeed, iyadoo munaasabad rasmi ah lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka ee magaalada Muqdisho.
Munaasabadda waxaa ka qayb galay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, madaxda hay’adaha dowladda iyo taliyayaasha qaybaha kala duwan ee ciidamada.
Cutubyo ka kala socday ciidamada dhulka, cirka iyo badda ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa munaasabadda ku soo bandhigay xirfaddooda ciidan, iyagoo muujiyay sida ay uga go’an tahay difaaca calanka, qarannimada, madax-bannaanida dalka iyo jiritaanka ummadda Soomaaliyeed.
Calanka Soomaaliyeed, oo la sameeyay 12-kii Oktoobar 1954, ayaa astaan u ah gobannimada, midnimada iyo aqoonsiga qarannimo ee shacabka Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV

