FIFA & CAF oo ka hor yimid talaabo xilka looga qaaday guddoomiyihii xiriirka kubadda Cagta ee Jabuuti

Xiriirrada kubadda cagta adduunka ee FIFA iyo kan Afrika ee CAF ayaa diiday inay aqoonsadaan go’aankii 5-tii bishaan Oktoobar 2026 xilka looga qaaday guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Jabuuti (FDF), Sulaymaan Xasan Waaberi, iyo guddigiisa maamulka.

Warqad rasmi ah oo ay soo saareen maanta, labada hay’adood ayaa lagu sheegay in go’aankaasi ay hareeyeen hubanti la’aan sharci iyo mid habraaceed, iyagoo dalbaday in maamulka rasmiga ahi si degdeg ah shaqadiisa dib ugu laabto.

Sidoo kale, FIFA iyo CAF waxay ku baaqeen in maamulka loo oggolaado inuu dib u helo xarumaha, dukumentiyada, nidaamyada iyo hantida xiriirka. Waxay intaas ku dareen inaan la helin caddayn muujinaysa khaladaad maaliyadeed oo la xiriira barnaamijyada maalgalinta FIFA iyo kan Afrika ee CAF.

Labada hay’adood waxay maamulka rasmiga ah u qabteen 48 saacadood inuu xaqiijiyo dib ula wareegidda waajibaadkiisa, iyagoo ka digay tallaabooyin dheeraad ah──haddii aan la fulin dalabkaas.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed