Muxuu yahay heshiisyada Soomaaliya saxiixday ee ku biirinaya shabakadda caalamka ee maamulka Badda?

Dowladda Soomaaliya ayaa saxiixday heshiisyo ku biirinaya shabakad caalami ah oo la xiriirta maamulka, xog-wadaagga iyo la socodka gaadiidka badda. Heshiisyada ayaa waxaa magaalada Venice ee Talyaaniga ku saxiixay Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya, Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar.

Sida ay sheegtay warbaahinta Soomaaliya, Heshiisyadu waxay dalka ku biirinayaan laba shabakad oo caalami ah oo ah kuwa ay ku jiraan Dawladaha leh marin-badeedyada kala duwan ee caalamka loona yaqaano Isbahaysiga Xarunta Maamulka Gaadiidka Badda ee Gobolka, kuwaas oo diiradda saaraya iskaashiga, xog-wadaagga iyo la socodka dhaqdhaqaaqa maraakiibta iyo gaadiidka badda.

Saxiixa heshiisyadan ayaa dhacay xilli Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya uu ka qaybgalayay Shirweynaha 15-aad ee Awoodda Ciidamada Badda Adduunka oo lagu qabtay magaalada Venice. Shirka waxaa looga hadlay xoojinta amniga badaha, horumarinta qalabka ciidamada badda iyo iskaashiga caalamiga ah.

Jeneraal Cabdiwahaab ayaa shirka ka sheegay in Soomaaliya ay ku taallo goob istiraatiiji ah oo muhiim u ah isku xirka ganacsiga iyo bulshooyinka caalamka. Waxa uu sidoo kale tilmaamay dadaallada dowladda Soomaaliya ay ku bixiso ilaalinta iyo sugidda amniga dhul-badeedkeeda.

“Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya Jeneraal Cabdiwahaab Cabdullaahi Cumar ayaa dalka Talyaaniga si rasmi ah ugu saxiixay laba heshiis oo muhiim u ah Dawladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ay ku midoobeen Dawladaha leh marin-badeedyada kala duwan ee caalamka loona yaqaano Isbahaysiga Xarunta Maamulka Gaadiidka Badda ee Gobolka (V-RMTC — Virtual Regional Maritime Traffic Centre iyo sidoo kale Shabakadda Isku-xirka Badda ee Caalamka T-RMN — Trans-Regional Maritime Network, taaso kadhigan in Dawladda Soomaaliya ay si rasmi ah uga mid noqotay labadan isbahaysi ee caalamiga ah” ayaa lagu yiri bayaan ay daabacday warbaahinta Dowladda Soomaaliya.

Intii uu Talyaaniga joogay, Taliyaha Ciidanka Badda Soomaaliya wuxuu kulamo la yeeshay Taliyeyaasha Ciidamada Badda Qatar iyo Turkiga. Kulamada ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya, Qatar iyo Turkiga, gaar ahaan dhinacyada ciidamada badda iyo amniga badaha.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed