Somaliland oo digniin ka soo saartay roobab culus oo dabeylo wata oo ku soo fool leh Saylac ilaa Berbera

Taliska Ciidamada Ilaalada Xeebaha Somaliland ayaa caawa soo saaray digniin ku aaddan roobab culus oo dabeylo wata, kuwaas oo laga filayo deegaannada waqooyiga ee xeebaha, gaar ahaan Saylac, Lughaya, Ceel-Sheekh iyo Berbera.

War saxaafadeed ka soo baxay xafiiska taliska ciidamada Badda Somaliland ayaa lagu sheegay in roobabka la saadaaliyey ay keeni karaan daadad, dabeylo xooggan, heerkul sare iyo hirar badeed oo kacsan.

Xafiisku wuxuu uga digay kalluumeysatada, dadka ku nool xeebaha, dalxiisayaasha iyo dadka ku dabaasha badda inay galaan xeebaha inta xaaladdu taagan tahay.

Sidoo kale, shacabka waxaa lagu boorriyey inay ka fogaadaan dooxyada iyo meelaha biyo-mareennada ah si looga badbaado khataraha ka dhalan kara roobabka.

Digniintan waxay ku soo aadaysaa, iyada Soomaaliya laga digayo roobab mahiigaan ah oo di’i doona xili roobaadka Deyrta sanadkan, waxaana si weyn meelaha loo saadaaliyey ku jira 14 gobolka oo Waoqoyiga, Bariga, Bartamaha iyo Koonfurta dalka ah.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed