Wax ka ogow tirada dhimasho & dhaawac ee duqeymaha  Maraykanka ka fuliyey Soomaaliya ku dhow 20 sano!

Ugu yaraan 216 rayid ah ayaa lagu dilay ama lagu dhaawacay howlgallo duqeymo cirka ah oo Mareykanku ka fuliyay Soomaaliya intii u dhaxaysay 2007 iyo May 2025, sida lagu sheegay baaritaan cusub uu daabacday Ururka Saxafiyiinta Carbeed ee Baaritaannada, loona soo gaabiyo ARIJ.

Baaritaanku wuxuu adeegsaday xog ay ururisay hay’adda Airwars, wuxuuna falanqeeyay 884 hawlgal oo Mareykanka ama xulafadiisu ka fuliyeen Soomaaliya, Suuriya, Ciraaq iyo Yemen.

Guud ahaan, cilmi-baarayaashu waxay diiwaangeliyeen ugu yaraan 3,336 rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay afarta dal, iyadoo Soomaaliya laga diiwaangeliyay 216 qof.

Ururka ARIJ wuxuu sheegay in tiradani tahay khasaaraha ugu yar ee la xaqiijiyay, ayna suurtagal tahay in tirada dhabta ahi ka badan tahay.

Airwars waxay hadda ku qiyaastaa in 85 ilaa 162 rayid ah lagu dilay hawlgallada Mareykanka ee Soomaaliya, halka 35 ilaa 55 kalena ay u badan tahay inay dhaawacmeen.

Dhanka kale, ciidamada Mareykanka waxay aqoonsadeen lix dhimasho iyo 11 dhaawac oo rayid ah. AFRICOM ayaa sheegtay inay si dhab ah u baarto eedeymaha ku saabsan khasaaraha rayidka.

Gudaha Soomaaliya, hay’addaha xuquuqda aadanaha iyo kuwa madaxbannaan ee aan dawliga ahayn ayaa muddo dheer waxay sheegayaan in duqeymaha ay fuliyaan ciidamada shisheeye oo Mareykanku ugu horreeyo inay ku dhintaan dad rayid ah, kuwaasi oo intooda badan aan helin wax magdhow ama isla xisaabtan ah, taasi oo lagu tilmaamay “ciqaab wadareed”.

HBN Online Tv

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed