Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee Macawiisleyda laga qabsaday deegaanada Teedaan, Xasan Raqay io Suullaay oo hoostaga degmada Maxaas, kaddib dagaal culus oo ay la galeen kooxda Alshabaab.
Warar madaxbanaan oo HBN ONLINE TV heshay ayaa tilmaamaya in ciidamada dowladda ay isaga bexeen seddexdan deegaan oo ah kuwo isku dhow, halka Alshabaab ay joogaa si buuxda goobaha ay ciidamada ka bexeen u joogaan.
Dagaallo dhowr jeer la isku noqnoqday ayaa laga soo wariyey shalay iyo habeen hore inay dhaceen deegaannada Suullaay, Teedaan iyo Xasan Raqay, iyadoo dagaaladaasi lagu tilmaamay kuwii ugu xooganaa ee muddooyinkii dambe ka dhaca aaggaas.
Dhanka kale, Warar madaxbanaan ayaa sheegaya inuu jiro khasaaro dhimasho oo soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin tirada dhimashada iyo dhaawaca.
Taliska Ciidamada xoogga ee gobolka Hiiraan ayaa la sheegay inay xaqiijiyeen in maxaabiis Alshabaab ah lagu qabtay dagaalka oo ay gacanta ku hayaan, iyadoo isgaarsiinta deegaankuna ay tahay mid xaddidan.
Ilaa iyo hadda ma jiraan caddeymo dheeraad ah, cidda sida buuxda u maamusha goobaha lagu dagaallamay, mana jirto wax war rasmi ah oo Dowladda Soomaaliya ka soo saartay xaaladda cakiran ee ka taagan deegaannada ku dhow degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.
HBN ONLINE TV

