Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa maanta ku dhawaaqay inuu si rasmi ah uga tanaasulay dhalashadii 2-aad ee uu haystay Kenya, isagoo baasaboorkiisii dalkaasi ku wareejiyay Safaaradda Kenya ee Soomaaliya.
Jabriil Xaaji ayaa sheegay in go’aankiisa uu yimid kadib, sida uu sheegay, dhibaatooyin iyo arrimo ka baxsan sharciga oo dowladda Kenya ay bilowday. Wuxuu beeniyay eedeymo sheegayay in dhalashadiisu ay ahayd mid been abuur ah, isagoo caddeeyay inay ahayd dhalasho sharci ah oo qoyskiisu muddo dheer haystay.
“Waxaan go’aansaday inaan dib ugu celiyo dhalashadii Kenya oo aan si rasmi ah uga tanaasulo,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Jibriil.
Sidoo kale, wuxuu sheegay in muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed ay dhibaatooyin kala kulmaan Garoonka Jomo Kenyatta ee Nairobi, gaar ahaan in laga qaado baasaboorradooda iyo sida loola dhaqmo oo uu tilmaamay inay tahay mid xun. Wuxuu ugu baaqay dadka Soomaalida ee haysta dhalashada Kenya inay ka tanaasulaan, isla markaana ay ku kalsoonaadaan baasaboorka Soomaaliya.
“Dadka sida gaar ah loogu dhibaateynayo Garoonka Joma Kenyata ee Baasaboorada laga gurayo, waxaan u soo jeedinayaa in ay ka tanaasulaan dhalashadaas ee ay iska celiyaan, ku kalsoonaadaan Baasaboorkooda Buluuga ah”. Ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Hadalkan ayaa imanaya iyadoo dhammaadkii bishii hore ee Luulyo ay Soomaaliya iyo Kenya ka wada hadleen xoojinta iskaashiga dhinacyada socdaalka iyo arrimaha qunsuliyadaha, kadib kulan ay mas’uuliyiinta labada dal ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale hore u xaqiijisay in Dowladda Kenya ay dib u soo celisay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka 2-aad ee dalka, Jabriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi.
HBN ONLINE TV

