Ciidamadda Booliiska Soomaaliya ayaa howgallo ay ka sameeyeen Magaalada Muqdisho ku soo qabtay Nin ku eedeysan in weerar tooreey ah uu ku qaaday nin kale Caasimadda dalka.
Howlgalkaan waxaa Fuliyay Ciidanka Booliiska Degmada Waabari ee Gobolka Banaadir, waxana lagu soo qabtay eedeysane Lagu magacaabo Cabdi Maxamed Khaliif, kaas oo ku eedeysan in uu toorey ku dhuftay Maxamed Cabdullaahi Sheekh.
Eedeysanahaan ayey Ciidanka Booliiska waxaa ay sheegeen ah Caddaaladda hor geyn donaan, kaas oo ay gacanta ku dhigeen asiga oo ku dhuumaleysanaya degmada Waabari.
Faah faahin dheeraad ah lagama bixin Sababta ka dambeeysay in Eedeysanahaan uu toorey u adeegsado dhibbanaha, falkaan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho.
HBN News Desk