Xubnaha beesha caalamka ee ku lug leh arrimaha Soomaaliya ayaa soo saaray bayaan wadajir ah oo ay walaac kaga muujiyeen xaaladda siyaasadeed ee hadda ka jirta dalka, iyagoo ugu baaqay dhinacyada siyaasadda inay dib ugu laabtaan wadahadallada.
War-saxaafadeedka oo ay saxiixeen 16 dal, Midowga Yurub (EU) iyo Xafiiska Taageerada ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS), ayaa lagu dalbaday in hoggaamiyeyaasha Soomaalida ay sida ugu dhaqsaha badan heshiis uga gaaraan qorshaha iyo hannaanka doorashooyinka si loo ilaaliyo danaha shacabka Soomaaliya.
Dowladaha iyo hay’adaha saxiixay bayaanka ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay taageeraan wadahadallada ay Soomaalidu hoggaaminayso haddii laga codsado, iyagoo sidoo kale ku baaqay in laga fogaado tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadaha jira.
“Xilligan xasaasiga ah, waxaan ku boorrineynaa dhammaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed inay mudnaanta siiyaan danta qaranka, kana fogaadaan tallaabo kasta oo keeni karta sii kordhinta xiisadaha iyo khilaafaadka jira,” ayaa lagu yiri bayaanka.
Saxiixayaasha bayaanka waxaa ka mid ah Austria, Belgium, Ergada Midowga Yurub (EU), Finland, Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Talyaaniga, Netherlands, Norway, Poland, Portugal, Spain, Sweden, Switzerland, Boqortooyada Midowday (UK) iyo Xafiiska Taageerada Ku-meel-gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).
HBN ONLINE TV

