Finland iyo Qaramada Midoobay oo Kulan ka Yeeshay Xaaladda Soomaaliya

Dowladda Finland iyo Qaramada Midoobay ayaa kulan ka yeeshay Xaaladda Soomaliya, kulankaan ayaa ka dhacay Magaalada Muqdisho arrimo dhowr ah ayaa lagu soo hadal qaaday.

Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ahna Wakiilka gaarka ee Qaramada, Anita Kiki Gbeho ayaa kulan la yeelatay Wasiirka Arrimaha dibadda Finland Pekka Haavisto oo booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho.

Kulanka Ku xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Finland ayaa diiradda waxaa lagu saaray howlaha hortabinta u leh Soomaaliya iyo muhiimadda ay leedahay taageerada gobolka iyo tan caalamiga.

Sidoo kale kulanka waxa ay uga wada hadleen Wax ka qabashada baahiyaha bini’aadantinimo iyo horumarinta dadaallada dowlad dhisidda.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Finland Pekka Haavisto ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula yeeshay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga arrimaha faa’iidada u leh labada dal.

HBN News Desk 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed