War saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay xalay howlgal qorsheysan ka fuliyeen duleedka magaalada Baydhabo, kadib weerar gaadmo ah oo lagu qaaday ciidamo ku jiray howlo sugidda amniga ay iska kaashadeen sida hadalka loo dhigay maleeshiyaad hubeysan oo la socday Alshabaab.
Bayaan kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in howlgalka jawaabta ahaa lagu dilay ku dhawaad 50 dagaallame oo isugu jiray Alshabaab iyo maleeshiyaad hubeysan oo garab siinayay, kuwaasi oo lagu eedeeyey inay taabacsanaayeen Madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, sida hadalka loo dhigayna si toos ah ula shaqeynayay kooxda.
Sidoo kale waxaa la sheegay in la burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo loo adeegsanayay weerarro ka dhan ah Ciidanka Qaranka iyo shacabka. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa arrintaasi ku tilmaantay mid khatar ku ah amniga qaranka iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.
Dhanka kale, Wasaaradda Gaashaandhigga ayaa tacsi u dirtay ehellada iyo qoysaska askartii ku geeriyootay weerarkii dhacay, iyadoo ku tilmaantay geesiyaal naftooda u huray difaaca dalka, halka ay ugu dambeyn sheegtay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo gacan siisa Alshabaab ama maleeshiyaad hubeysan oo carqaladeynaya amniga.
Waxaa xusid mudan in eedeymaha loo jeediyey mdaaxweyne hore Cabdicasiis Laftagareen aanu weli wax war ah ka soo saarin, ama ka jawaabin.
HBN ONLINE TV

