Xisbiga Madaxweyne Xasan Sheekh oo lumiyay xoghayihii guud xilli uu wajahayo mucaaradad sii xoogeysanaysa

Xildhibaan Cabdiraxmaan Odawaa oo ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Xoghayaha Guud iyo xubinnimadii Xisbiga Caddaaladda iyo Wadajirka (JSP), oo uu hoggaamiyo mdaxweyne Hassan Sheikh Mohamud.

Odawaa ayaa sheegay in go’aankiisa uu qaatay 25-ka Maarso 2026 oo maanta ah, isagoo ku sababeeyay kala aragti duwanaansho qotodheer oo muddo dheer u dhaxeysay isaga iyo hoggaanka xisbiga, gaar ahaan Madaxweynaha. Wuxuu ku eedeeyay in xisbiga laga dhigay sida uu ku dooday mid u gaar ah hal shaqsi, isla markaana aan la tixgelin aragtiyada kala duwan ee xubnaha kale.

Sidoo kale, Wuxuu dhaliilay habka wax-ka-beddelka dastuurka, isagoo sheegay in loo maray hannaan sababaya kala fogaansho bulshada dhexdeeda ah, isla markaana ay jiraan qodobo u baahan in dib loo saxo si loo ilaaliyo midnimada iyo mabaadi’da federaalka.

Dhanka doorashooyinka, Odawaa ayaa sheegay inuu si adag uga hor yimid nidaam uu sheegay in madaxweynuhu doonayo inuu xakameeyo natiijadiisa, halka isagu uu aaminsan yahay in doorashooyinka ay noqdaan kuwo ay ku heshiis yihiin dhammaan saamileyda siyaasadda si looga fogaado khilaaf iyo xasillooni darro.

Ugu dambeyn, wuxuu cambaareeyay siyaasadda la xiriirta maamul-goboleedyada iyo xannibaadaha safarka, isagoo sheegay in tallaabooyinka qaar ay dhaawacayaan nidaamka federaalka iyo xuquuqda muwaadiniinta, isla markaana ay khatar ku yihiin madaxbannaanida hay’adaha dowladda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed