DFS oo sheegay inuu dhamaaday muddo-xilkeeeda madaxweyne Laftagareen ayna Koonfur Galbeed kaqaban doonto doorasho

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) oo shaacisay in uu dhammaaday muddo-xileedka Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, iyo sidoo kale xubnaha kale ee maamulka, ayaa caddeysay in aysan sharci ahayn inay sameeyaan magacaabisyo cusub ama xil ka qaadisyo. Dowladda ayaa sheegtay inay bilaabeyso geeddi-socod lagu soo dooranayo hoggaan cusub oo maamulkaas ah.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, oo uu saxiixay Wasiirka arimaha gudaha Cali Yuusuf Xoosh, ayaa lagu sheegay in xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira Koonfur Galbeed ay keeneen baahida loo qabo in la qaado tallaabooyin degdeg ah si looga hortago firaaq maamul iyo xasillooni darro, sida hadalka loo dhigay.

Wareegtada ayaa si cad u faraysa in dhammaan maamullada heer gobol iyo heer degmo ee Koonfur Galbeed ay sii wataan gudashada waajibaadkooda, iyagoo aan wax isbeddel ah lagu sameyn doonin ilaa laga soo dooranayo goleyaal cusub oo sharci ah. Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid lagu ilaalinayo joogteynta adeegyada maamulka iyo kuwa bulshada.

Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay inay si gaar ah uga shaqeyn doonto ilaalinta maamullada jira, iyadoo la tashanaysa odayaasha dhaqanka, isla markaana ay buuxin doonto xilalka ka bannaanaada si loo hubiyo in aanay hakad gelin howlaha dowladnimo.

“Wasiirka Arrimaha Gudaha Federaalka Markuu tigeliyey: Xaaladaha siyaasadeed iyo amni ee ka jirta deegaannada Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Markuu garwaaqsaday: In ay muhiim tahay in laga hortago firaaq maamul oo ku iman kara heer gobol iyo heer degmo, iyo sidoo kale in la ilaaliyo xasilloonida iyo sii wadidda adeegyada maamul iyo kuwa bulshada. Wuxuu caddaynayaa: 1. In dhammaan maamullada heer degmo iyo heer gobol ee Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay sii wataan gudashada xilalkooda sida ay yihiin, ilaa laga soo dooranayo goleyaal cusub oo beddela si waafaqsan sharciga. 2. In Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka Soomaaliya oo la tashanaysa odoyaasha dhaqanka Dowlad-Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay si gaar ah ugu xilsaaran yihiin ilaalinta maamullada dhisan, iyo sidoo kale buuxinta xilalka ka bannaanaada maamulladaas” ayaa lagu yiri warka wasaaradda.

Ugu dambeyn, hay’adaha amniga iyo dhammaan dhinacyada ay khusayso wareegtadan ayaa lagu amray inay si buuxda u dhaqan geliyaan go’aankan, isla markaana ka qeyb qaataan sugidda amniga, xasilloonida iyo hirgelinta nidaamka dowladnimada inta lagu jiro marxaladda kala guurka ee doorashooyinka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed