Nin ka tirsanaa Al-shabaab oo isku dhiibay dowladaa Soomaaliya.

Dowladaa Soomaaliya ayaa Soo bandhigtay Nin ka soo goostay kooxda Al Shabaab, kaas oo isku soo dhiibay Ciidanka dowladaa, waxana lagu soo bandhigay baraha bulshadu ku xariirto.

Abshir Axmed Macalin oo muddo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada qeybta 60-aad ee xoogga dalka Soomaaliyeed ee ka howlgalla degaannada Maamulka Koonfur Galbeed.

Ninkaan ayaa ka tirsanaa qeybta ay Al-Shabaab ugu yeerto Jabhadaha, wuxuuna sheegay inuu ka soo dagaalamay qeybo kamid ah gobolka Baay oo ay ku sugan yihiin Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee howlgalka ATMIS.

Abshir ayaa sheegay inuu u dul-qaada waayey dhibaatada duurka ku heysata Al-Shabaab dhibaatada joogtada ah ee shacabka aan waxaba galabsan ay ku hayaan, wuxuuna raggii kala tirsanaa ugu baaqay inay isku dhiibaaj Ciidanka dowladda Soomaaaliya.

Muddooyinkii la soo dhaafay qaar kamid ah xubno ka tirsan Al shabaab ayaa isku soo dhiibay Ciidanka dowladda kuwaas oo ay soo bandhigeen.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed