Somaliland oo sheegtay in howlgal khasaare dhimasho sababay ka fulisay Saylac

Ciidanka Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal amni oo ay ka fuliyeen magaalada Saylac ee waqooyi galbeed Soomaaliya, kaas oo sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, kadib markii ay isku dheceen ciidamada iyo kooxo hubeysan.

Bayaanka ka soo baxay Ciidanka Somaliland ayaa lagu sheegay in howlgalkaas oo ka dhacay deegaanka Indha-Biraale oo hoostaga Saylac in lagu dilay laba qof oo lagu sheegay burcad hubaysnaa, halka afar kalena ay ku dhaawacmeen, kadib markii ay iska caabin hubeysan kala hortageen ciidamada intii uu socday howlgal la sheegay mid lagu sugayay amniga.

Ciidanku waxay sheegeen in dadka waxyeelladu soo gaartay ay ahaayeen maleeshiyaad hubeysan oo ku lug lahaa falal amni darro, isla markaana ay diideen inay u hoggaansamaan amarada ciidamada.

“Howlgalkaasi wuxuu sababay in laba ka mid ah budhcaddu ku dhintaan iska-horimaadka, halka afar kale ay ku dhaawacmeen” ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Boolisks Soomalaiya.

Sidoo kale, bayaanka ayaa lagu xaqiijiyay in howlgalka lagu qabtay hub ay wateen maleeshiyaadka, iyadoo la tilmaamay in baaritaanno dheeraad ah ay weli socdaan si loo xaqiijiyo dhammaan faahfaahinta la xiriirta dhacdada.

Ciidanka Somaliland ayaa adkeeyay inay sii wadi doonaan howlgallada amni ee lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida guud ee deegaannada dalka.

Dhanka kale, Ilo dadka deegaanka ah oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhacdooyinka ka dhacay deegaanka Indha-Biraale uu yahay mid saameyn ku leh amniga iyo isku socodka Saylac iyo Lughaya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed