Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Afrika ayaa sheegaya in xalay laba dhalinyaro Soomaaliyeed lagu dilay deegaanka Philippi ee magaalada Cape Town, kadib markii burcad hubeysan oo u dhalatay dalkaas ay weerar ku qaadeen goob ay ka shaqeynayeen. Labada muwaadin ee la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Xooshoow Salaad iyo Cumar Cali, halka muwaadin kale oo Soomaaliyeed uu dhaawac culus ka soo gaaray isla weerarkaasi.
Dhacdadan ayaa noqotay mid si gaar ah layaab ugu noqotay bulshada Soomaaliyeed, maadaama burcadda dilka geysatay aysan wax dhac ah ka geysan dukaamada ay ku dileen muwaadiniinta, balse ay si degdeg ah uga baxsadeen goobta, arrin aan hore loogu baran burcadda Koonfur Afrika.
Ciidamada booliska dalkaas oo tegay goobta ayaa sameeyay baaritaan la xiriira dhacdada, balse illaa hadda lama shaacin natiijo rasmi ah.
Dhanka kale, bishaan Janaayo ee sanadka 2026 ayaa muujinaysa inuu sii kordhay dilalka loo geysanayo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ka shaqeysta Koonfur Afrika. Dilka labada muwaadin ee xalay ayaa tirada guud ee Soomaalida sanadkan lagu dilay dalkaas ka dhigtay ugu yaraan sideed qof, taas oo muujinaysa halis sii kordheysa oo wajahayso jaaliyadda Soomaaliyeed.
HBN ONLINE TV

