Xilli ay sii xoogaysanayso xiisadda diblumaasiyadeed ee ka dhashay tallaabadii Israa’iil ku aqoonsatay Somaliland ayaa dowladda Soomaaliya, waxey ugu baaqday Israa’ill in ay ka baxdo buuraha Golan ee dalka Suuriya — waxaana hadalka ka sheegay fadhigii golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey Danjire Abuukar Cismaan Baalle oo jeediyay khubad uu kaga hadlay arrimo ku saabsan aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland.
Hadalkaan ayaa imaanaya xilli Soomaaliya ay waddo dedaallo ay kaga soo horjeeddo tallaabadaas, iyadoo dalal badan ay ka horyimaadeen tallaabada Israa’iil.
Maxay yihiin buuraha Golan hights?
Buuraha Golan waa dhul dhagax ah oo ku yaal koonfur-galbeed ee Suuriya, kuna sii fidsan waqooyi-bari ee Israa’iil — Waxayna qiyaastii 60 kiilomitir u jirtaa magaalada Dimishiq.
Dagaalkii Bariga Dhexe ee 1967, Israa’iil waxay qabsatay ilaa 1,200 km² ee buuraha Golan, oo ay Suuriya ka soo weerartay.
Israa’iil ayaa aaggaas la wareegtay 1981-dii, tallaabadaas oo aysan aqoonsanin inta badan beesha caalamka. Maamulka Trump ayaa jebiyay tobanaan sano oo siyaasad Mareykan ah isagoo aqoonsaday madaxbanaanida Israa’iil ee buuraha Golan ee la haysto sanadkii 2019-kii muddo xileedkiisii hore.
Suuriya ayaa sheegtay in dhulkaasi ay weligeed lahaan jirtay, waxayna wacad ku martay inay dib u soo ceshan doonto, halka Israa’iil ay sheegtay in ay muhiim u tahay difaaceeda, ayna weligeed gacanteeda ku jiri doonto.
Ilaa 20,000 oo Israa’iiliyiin ah ayaa ku nool Buuraha Golan Heights, oo sidoo kale hoy u ah saldhigyada ciidamada Israa’iil iyo saldhigyada kale.
Xigasho BBC SOMALI
HBN ONLINE TV

