Guddiga Dowladda Soomaaliya ee la-dagaallanka Lacag-dhaqidda iyo maalgelinta waxa loogu yeero Argagixisada oo maanta yeeshay kulan gaar ah ayaa ansixiyey liis cusub oo xubno ah oo lagu soo daray cunaqabataynta maaliyadeed.
Kulanka intii uu socday, Guddigu wuxuu ayaa muujiyey in talaabadaan ay muujineyso go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ee lagu xoojinayo ka hortagga shabakadaha maalgelinta waxa loogu yeero argagixisada, isla markaana lagu ilaalinayo badqabka iyo hufnaanta nidaamka maaliyadeed ee dalka, iyadoo la raacayo shuruucda qaranka iyo heerarka caalamiga ah.
Sidoo kale, Guddiga ayaa meelmariyey Qorshe Howleedka 2026, kaas oo diiradda saaraya fulinta talooyinka Hay’adda Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika u qaabilsan la-dagaallanka lacag-dhaqidda iyo maalgelinta argagixisada. Guddiga ayaa mar kale adkeeyey sida ay uga go’an tahay dhisidda nidaam maaliyadeed oo hufan, adkaysi leh, kana caagan maalgelinta argagixisada, sida uu sheegay Wasiirka Maaliyadda Biixi Imaan Cige.
Waxaa sidoo kale la go’aamiyey in dib-u-eegis lagu sameeyo Warbixinta Qiimaynta Khataraha Maalgelinta waxa loogu yeero Argagixisada si siyaasadaha qaranka ula jaanqaadaan khataraha soo kordhaya.
Ugu dambayn, Guddigu wuxuu faray Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka inay diyaarsato warbixin dhammaystiran oo ku saabsan nidaamka diiwaangelinta SIM-cards-ka, isla markaana ay la tashato hay’adaha ay khusayso, si looga hortago isticmaalka adeegyada isgaarsiinta ee falalka argagixiso.
HBN Online TV

