Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay cabasho iyo buuq maanta ka dhacay Garoonka Muqdisho

Dowladda Federaalka Soomaaliya DFS ayaa maanta war kasoo saartay cabasho iyo buuq ka dhashay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, kadib markii qaar kamid ah shaqaalaha garoonka ay joojiyeen shaqadii, iyagoo ka cabanayay arrimo la xiriira maamulka iyo xaaladaha shaqo.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada, Xildhibaan Maxamed Faarax Nuux, oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa si degdeg ah u faray shirkadda maamusha garoonka inay wax ka qabato tabashooyinka shaqaalaha, iyadoo tilmaantay inuu ku guuleystay in xaaladda si degdeg ah lagu xaliyo, taasoo keentay in shaqaalihii garoonka ay dib ugu laabtaan shaqooyinkoodii.

Sidoo kale, Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde Cabdinaasir Maxamuud Gurey oo isna ka hadlay xaaladdan taagan ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in waxa laga cabanayo ay jiraan, balse aanay dadku wax cabasho ah ka qabin dowladda.

“Dadka cabanayey Dowladda kama cabaneynin ee Shirkadda Favori ee Turkida ayey ka cabanayeen,Waana wax sax ah oo loo baahanyahay in xaqooda ay raadsadaan,waana xallinay wixii dhacay” ayuu yiri Maareeye Cabdinaasir.

Dhanka kale, Wasaaradda duulista Hawada Soomaaliya waxay sheegtay inay si joogto ah ula socon doonto xaaladda shaqaalaha si loo hubiyo ilaalinta xuquuqdooda iyo hufnaanta howlaha garoonka, iyadoo Wasiiradu tilmaantay inay u mahadcelinayso dulqaadka iyo mas’uuliyadda ay muujiyeen shaqaalaha, kuna dhiirrigelisay inay shaqadooda si daacad ah u gutaan.

Dhacdaadan waxay ku soo aadeysaa kadib markii bartamihii bishii September uu canaan adag kala dul-dhacay masuuliyiinta Garoonka Diyaaradaha Muqdisho Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre oo kormeer ku tagay, isaga oo si cad u yiri “Waxay Shacabku sheegayeenaa meesha ka muuqata iyo wax kasii liitaa weliba. Maareeyaha, Wasiirka iyo dadka loo igmaday arrimahan sababta ay u joogaan garan maayo haddii aan intan la saxin”.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed