Hay’adda Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa ka digtay in ku dhowaad 14 milyan oo qof oo ku nool dalalka Afghanistan, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Haiti, Soomaaliya, Suudaanta Koonfureed, iyo Suudaan ay wajahaan halis gaajo oo ba’an, kadib markii dalal deeq-bixiyeyaal waaweyn ah, oo uu ku jiro Mareykanka, ay si weyn u dhimeen gargaarkii bani’aadantinimo.
Sida ay qortay Reuters, Mareykanka oo ah deeq-bixiyaha ugu weyn ee WFP, ayaa hoos u dhigay miisaaniyaddiisa caalamiga ah ee gargaarka, halka dalal kale oo waaweynna ay iyaguna yareeyeen ama ku dhawaaqeen dhimista taageerada horumarineed iyo bani’aadantinimo.
WFP ayaa sheegtay in xaaladda dhaqaale ee hadda ay la kulmayso ay tahay tiii ugu adagayd abid, iyadoo saadaalinaysa in sannadka 2025 uu hoos u dhaco 40% marka loo eego sannadkan. Hay’addu waxay filaysaa miisaaniyad dhan $6.4 bilyan sannadka 2025, halka ay sanadkan 2024 ku shaqeynaysay $10 bilyan.
Sidoo kale, Warbixin cusub oo cinwaankeedu yahay “A Lifeline in Danger” (Xadhigii Nolosha oo halis ku jira) ayey WFP ku sheegtay in dhimista gargaarka cuntada ay keeni karto in 13.7 milyan oo qof ay u gudbaan heer “degdeg ah (emergency)” oo gaajo ah, taas oo hal talaabo u jirta macluul buuxda, sida lagu qeexay shanta heer ee cabbirka gaajada adduunka.
Hay’addu waxay ugu baaqday beesha caalamka in aysan dib u dhigin wax ka qabashada xaaladdan, maadaama ay khatar ku tahay malaayiin qof oo horay ugu jiray xaalad nugul oo bani’aadantinimo.
HBN ONLINE TV