Bannaanbaxii Mucaaradka wacadka ku mareen in Muqdisho lagu qabto beri oo war cusub uu ka soo baxay

Bannaanbaxii la filayay in maalinta berri ah uu ka dhaco magaalada Muqdisho ayaa mar kale dib loo dhigay, kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Madasha Samatabixinta Mucaaradka ay ku heshiiyeen in la magacaabo guddiyo labada dhinac ah oo si wadajir ah uga shaqeeya ammaanka iyo habsami u qabsoomidda bannaanbaxa.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in heshiiskan uu ka dhashay kulamo gaar ah oo ay yeesheen Taliyeyaasha Nabad Sugidda iyo Booliska Soomaaliyeed iyo xubno ka tirsan Madasha Samatabixinta, oo ay ka mid ahaayeen Ra’iisul Wasaare hore Xasan Cali Kheyre iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ku hadlay afka mucaaradka islamarkaana ka warbixiyay natiijada shir gaar ah oo ay dowladda la yeesheen, ayaa sheegay in bannaanbixii qorshaysnaa dib loo dhigay sababo amni dartood, balse wuxuu xaqiijiyay in bannaanbaxa uu dhici doono 10 maalmood gudahood, isagoo carabka ku adkeeyay in uu noqon doono mid nabadeed isla markaana loogu muujin doono cabashada shacabka.

Madasha Mucaaradka ayaa horay u waday diyaar garowgii ugu dambeeyay ee bannaanbaxa Muqdisho, kaas oo ay sheegeen inuu yahay “mid nabdoon oo loogu hiilinayo shacabka cabashada ka qaba dowladda Soomaaliya.”

Madasha ayaa ku dooday in shacabka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin dhulkooda iyo deegaannadooda, isla markaana barakicinta dadka rayidka ah ay tahay dambi ka dhan ah dastuurka iyo bini’aadantinimada. Siyaasiyiin ka tirsan mucaaradka ayaa sheegay in bannaanbaxu uu noqon doono mid nabad ah oo lagu muujinayo cabashooyin iyo codka shacabka.

Shacabka Muqdisho ayaa si kala duwan uga falceliyay qorshaha bannaanbaxa — qaar ayaa taageeray, iyagoo ku tilmaamay mid ka tarjumaya codka shacabka, halka kuwa kalena u arkeen mashruuc siyaasadeed oo mucaaradku ku doonayaan cadaadis siyaasadeed. Si kastaba, dad kale ayaa muujiyay cabashooyin dhab ah oo ku aaddan arrimaha dhulka iyo ka rariyadda dadka ee dhulka danta guud.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore u diiday bannaanbaxyo noocan oo kale ah, iyadoo ku tilmaantay “mid aan sharciyad lahayn” isla markaana lagu carqaladeynayo ammaanka caasimadda. Dowladda ayaa uga digtay shacabka iyo cid kasta inay “ka qayb qaataan ama garab siiyaan hawlo carqaladeyn amni ah.”

Dhanka kale, dowladda Soomaaliya ayaa weli wadda qorshaha hub ka dhigista ee ka socda magaalada Muqdisho, kaas oo lagu xakameynayo gaadiidka wata qoryaha culus iyo hubka sharci darrada ah. Qorshahan ayaa yimid kadib dagaalkii dhawaan ka dhacay saldhigga degmada Warta Nabadda, kaas oo sababay dhimasho, dhaawac iyo burbur hantiyeed.

Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed ayaa si adag u dhaleeceeyay qorshaha hub ka dhigista, isagoo sheegay in mucaaradku hubka u haystaan isdifaac, maadaama ay “cadow badan leeyihiin” oo ay ku jiraan Al-Shabaab iyo kooxo kale oo khatar ah, balse uusan hubkaas loogu adeegsan “dhibaateynta shacabka.”

Inkasta oo bannaanbaxii dib loo dhigay, haddana xogaha la helayo ayaa muujinaya in mucaaradku ay weli ku adkeysanayaan in la qabto bannaanbax nabad ah, kaas oo ay ku doonayaan in ay muujinayaan cadaadis siyaasadeed iyo diidmo ku aaddan siyaasadda dowladda ee amniga iyo barakicinta shacabka.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed