Soomaaliya & Masar oo heshiis ka gaaray howlgalka AUSSOM & xoojinta iskaashiga milateri

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa magaalada Qaahira kulan lagu gorfeeyey xaaladda gobolka iyo tan labada dal kula yeeshay dhiggiisa Masar Sarreeye Gaas Cabdulmajiid Saqar, iyadoo ay goob joog ka ahaayeen saraakiil sare oo ka tirsan ciidamada qalabka sida ee Masar.

Labada wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta iskaashiga dhinaca milateriga iyo taageeridda dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida gobolka. Wasiir Fiqi ayaa ku ammaanay Masar kaalinta muuqata ee ay ku leedahay arrimaha nabadda iyo xasilinta, isagoo xusay in Soomaaliya iyo Masar ay wadaagaan aragti mideysan oo ku saabsan danaha istiraatiijiga ah ee labada dhinac.

Dhankiisa, Wasiirka Gaashaandhigga Masar Sareeye Gaas Cabdulmajiid Saqar ayaa muujiyay sida dalkiisu uga go’an tahay xoojinta xiriirka iskaashiga milateri ee labada dal.

Wuxuu sidoo kale sheegay in ciidamo ka tirsan ciidamada Masar oo qeyb ka noqon doonaan Hawlgalka Taageerada iyo Xasillinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ay dhawaan soo gaari doonaan gudaha Soomaaliya.

Soomaaliya iyo Masar ayaa horey u wada saxiixay heshiis dhanka amniga ah, kaas oo la adkeeyay kaddib heshiiskii muranka dhaliyay ee Itoobiya la gashay Somaliland, kaas oo Addis Ababa ku dooneysay inay ku hesho marin badeed.

Tan iyo wixii ka dambeeyay heshiiskaas, Masar waxay Soomaaliya siineysay saanad ciidan iyo hub culus, iyadoo sidoo kale qorsheynaysa inay dalka u soo dirto ciidamo tababaran. Qaahira ayaa door muuqda ka qaadanaysa tayeynta ciidamada Soomaaliya, iyada oo hub iyo qalab casri ah ku taageeraysa.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed