Ciidanka xoogga dalka oo furay wadada istiraatiijiga ah Bakool

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in Ciidanka Xoogga Dalka ay howlgal ballaaran oo qorshaysan ay ka fuliyeen waddo muhiimka ah oo isku xirta magaalada Xudur iyo deegaanka Qurac-joome ee gobolka Bakool. Howlgalkan ayaa lagu sheegtay in wadada la furay ay horay go’doomiyeen muddo dheer Alshabaaab.

Howlgalka oo socday maalmo xiriir ah ayaa ciidamadu ku sii mareen tuulooyin badan oo istiraatiiji ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Aboore, Banjinaay, Teed, Emed-Koorey iyo Ees-Gaab, iyagoo ugu dambeyn gaaray Qurac-joome oo ay horey ugu sugnaayeen ciidamo deegaanka ah oo garabsanaya Ciidanka Qaranka.

Taliyaha Guutada 9-aad ee Qeybta 60-aad Gashaanle dhexe Yoonis Aadan Xasan oo uu so xigtay Raadiyaha Ciidamada dowladda ayaa sheegay in ciidanku guulo waaweyn ka gaareen howlgalka, ayna fureen wadada muhiimka ah ee xiriirisa deegaannadaas, taas oo sanado badan u xidhneyd cabsida kooxda.

Taliyaha ayaa xusay in hawlgalkani uu qeyb ka yahay qorshaha Dowladda Federaalka ee ah xoreynta guud ee dalka, gaar ahaan gobollada Koonfur-galbeed, ayna sii wadi doonaan gulufka ka dhanka ah kooxaha Khawaarijta illaa laga suuliyo khatartooda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed