Guddiga doorashada Soomaaliya oo maanta guddoonkooda ku doortay Muqdisho

Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka & Soohdimaha Qaranka ayaa maanta doorasho ka dhacday Muqdisho waxaa ku guuleystay Cabdikariim Axmed Xasan, halka Gudoomiye ku xigeen isna loogu doortay Saadaq Abshir Garaad.

Codeynta Doorashada xubnahan Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa u dhacday qaab gacan taag ah, waxaa Cabdikariim Horyaalla hoggaaminta guddiga laga sugayo in uu dalka ka qabto Doorasho Qof iyo Cod ah.

18-ka xubnood oo guddiggan ka kooban yahay ayaa ansixin ka heysta Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka, Labada Aqal ee Baarlamaanka 11-aad iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta faafin rasmi ah ku soo saaray xeer Madaxweyne.

Waxaa sugaysa xubnaha qabashada doorashada muddo aad u dheer aan dalka laga qaban, taasi oo ku dhiirashadeeda tahay mid u baahan taxadar iyo maamulid feejignaan la jirto.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed