Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si adag uga hadlay khasaaraha ciidamada dowladda ka soo gaaray weerarkii Al-Shabaab ee deegaanka Jameeco, isaga oo tacsi u diray qoysaska askartii ku geeriyootay dagaalka.
Farmaajo ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku eedeeyay sida uu hadalka u dhigay inuu khilaafaadka siyaasadeed xoog ku xalliyo, isla markaana ciidamada u geliyo hawlgallo aan qorshaysnayn.
“Waxaa caado u noqotay Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday in uu ku xalliyo xoog wax kasta oo kala aragti duwanaan siyaasadeed ah, kuna biimeeyo ciidammadeenna qalabka sida ee geesiyaasha ah dagaallo iyo hawl-gallo aan qorshaysnayn, argagixisadana uu ugu loogo” ayuu yiri madaxweyne hore Farmaajo.
Wuxuu sheegay in siyaasad aanay goyn qiimaha dhiigga askariga qaranka, isaga oo ku baaqay in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dhacdada, lana xisaabtamo cid kasta oo mas’uul ka ahayd dayacaad.
“Ma jirto dan siyaasadeed oo qiimaheedu gooyo dhiigga askari Soomaaliyeed, waxaana lama huraan ah in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo dhacdadan iyo kuwii ka horreeyey, mas’uuliyadda wixii dayac ah ee gaaray geesiyaasheennana lagula xisaabtamo cid kasta oo masuuliyaddaas qayb ka ah” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.
Sidoo kale, wuxuu dalbaday in dhaawacyada la daweeyo, qoysaska askarta dhimatayna la siiyo xuquuqdooda, lana kordhiyo mushaharka iyo gunnooyinka ciidamada.
HBN ONLINE TV

