169 tahriibayaal Soomaali ah oo laga dajiyay Muqdisho & Haregysa

Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ayaa maanta dalka dib ugu soo celisay 169 muwaadin oo muddo ku dhibaateysnaa xabsiyada kooxaha magafayaasha ee dalka Liibiya, iyada oo howlgalkan ay kala kaashatay hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM & Xafiiska taageerada ee Midowga Yurub.

Dhallinyarada la soo celiyey, oo intooda badan ahaa kuwo da’yar, ayaa 140 ka mid ah laga soo dejiyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, halka 29 kale laga dejiyey magaalada Hargeysa. Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa soo dhoweeyey muwaadiniinta dib loo soo celiyey maaanta, iyada oo duruufo adag ay ka muuqdeen.

Qaar ka mid ah dhallinyarada oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay dib ugu soo laabtaan dalkooda, kana mahadceliyey dadaalada suurtagaliyey in fursad ay u helaan in laga soo saaray xaaladda adage e ka jirta xabsiyada kooxaha Magafyaasha ah. Waxay sidoo kale dowladda ka codsadeen inay sii waddo samatabbixinta dhallinyarada kale ee weli ku xiran xabsiyada Liibiya, kuwaas oo la kulmaya dhibaatooyin nololeed iyo tacaddiyo kala duwan.

Soo celintan ayaa timid iyadoo DFS ay sheegtay inay wado dadaallo joogto ah oo ay ku bixineyso badbaadinta muwaadiniinta ku xayiran Liibiya. 12-kii bishaan Oktoobar 2026, waxaa dalka dib loogu soo celiyey 162 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo 20 tiradaasi ku jirtay Hargeysa laga dejiyye.

 

Soo celintan ayaa tirade ka dhigeysa mid sii kordheysa marka la barbar dhigo howlihii socday ee sanadihii hore. 2-dii Luulyo ee isla sannadkaas waxaa dalka lagu soo celiyey 129 qof. Sidoo kale, 23-kii Abriil 2026 waxaa la soo celiyey 174 muwaadin oo ku dhibaateysnaa dalkaasi.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee u tahriiba Liibiya iyagoo doonaya inay gaaraan qaaradda Yurub ayaa inta badan la kulma xarig sharci-darro ah, jirdil, madax-furasho lacageed iyo halisaha safarka badda. Dhibaatooyinkan ayaa sababay dhimashada muwaadiniin badan, waxaana ka mid ah 17 dhallinyaro Soomaaliyeed ah oo la soo wariyey inay ku dhinteen badda u dhexeysa Spain iyo Algeria bishii Abriil 2026.

Dhanka kale, xogta Hay’adda Dabagalka Barakacayaasha (DTM) ayaa muujisay in 5,435 tahriibayaal Soomaaliyeed ay galeen qaaradda Yurub intii u dhexeysay Janaayo iyo Agoosto 2025.

Xabsiyo sharci darro oo ku yaalla gudaha Liibiya ayaa la sheegay in weli ay ka jiraan tacadiyo adag oo ay la kulmayaan dhalinyaro Soomaaliyeed oo u xiran kooxaha Magafayaasha ah, inkasta oo Dowladda Soomaaliya sheegtay inay dadaal ugu jirto sidii loo soo badbaadin lahaa dadkaasi ku dhibaateysan Liibiya.

 

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed