Doorashada Israa’iil — 72% Codadka oo la Tiriyey

Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashada Israa’iil, oo uu shaaciyay Guddiga Dhexe ee Doorashooyinka, ayaa muujinaya in isbahaysiga taageersan Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu uu helay 54 kursi, halka isbahaysiga uu hoggaamiyo Gadi Eisenkot uu helay 48 kursi.
Sida ku cad xogta la shaaciyey 10:03 subaxnimo ee waqtiga maxalliga ah, waxaa la tiriyey 72.4% sanduuqyada codbixinta, halka xisbiyada Carabta ay heleen 18 kursi.
Natiijooyinkan ayaa weli ah kuwo hordhac ah, waxaana natiijada kama dambaysta ah ee kuraasta la xaqiijin doonaa marka la soo gabagabeeyo tirinta codadka.
Baarlamaanka Israa’iil ayaa ka kooban 120 kursi, waxaana loo baahan yahay ugu yaraan 61 kursi si loo helo aqlabiyadda baarlamaanka.
HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed