Axmed Madoobe “Federaalka uma ihi madaxweyne, Ummadda Jubbaland ayaan u noqonayaa madaxweyne”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxmed Islaam ahna Musharax u tartamaya doorashada todobaadkan la qorsheeyey in ay ka dhacdo magaalada kismaayo ayaa sheegay in uu doonayo in uu wax ka qabto xaaladda deegaanka iyo arimaha taagan ee amniga.

Axmed Madoobe oo warbaahinta kula hadlay Kismaayo ayaa sheegay in uu ku faraxsan in markale uu u tartamo doorashada madaxweyne ee Jubbaland oo qorshuhu yahay in 25-ka bishaan Nofeembar dhacdo.

Waxaa uu sheegay haddii uu ku guuleysto doorashada uu u tartamayo in uu wax ka qaban doono xaaladdaha jira iyo deegaanka maamulka uu ka arimiyo oo uu carrabka ku dhuftay in uu u nugul yahay sida uu hadalka u dhigay Alshabaab.

Sida oo mar wax laga weydiiyey haddii ku soo boxo doorashada, balse ay diido dowladda Faderaaalka ayuu tilmaamay in Faderaalka uusan u aheyn madaxweyne, taasi bedelkeedana uu Ummadda Jubbaland madaxweyne u yahay.

“Federaalka uma ihi madaxweyne, Ummadda Jubbaland ayaan u noqonayaa madaxweyne, taasne xiligeedaan ka hadli doonaa” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Dhanka kale waxaa uu bidhaamiyey in sharciga iyo dartuurka dalka uu u diiday dalabka dowladda dhexe ee ah muddo kordhinta sida maamulada dhigiisa oo kale ah, isaga oo sheegay in uu door biday in deegaanka uu maamulo doorasho uu ka qabto.

Dowaldda Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaantay waxkasta oo ka soo baxa doorashada ka socota magaalada Kismaayo, halka ay uga dhigeen madaxweyne Axmed Madoobe in deegaanka uusan u horseedin dhibaato iyo fowdo ka dhacda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed