Ciidamada xoogga oo howlgal ay ka fuliyeen Shabeellaha Dhexe ku dilay 25 Al-Shabaab ah

Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka fuliyeen deegaanka Raas Qabow ee gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa ay ku dileen 25 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sida aan ka soo xiganay taliska ciidamada.

Taliyaha ururka 251-aad ee guutada 25-aad Maxamed Xasan Abuukar Dhaladheere ayaa sheegay in howlgalka uu bilowday, ka dib markii ciidamada dowladda Soomaaliya ay iska caabiyeen weerar ay ku soo qaadeen kooxda Al-Shabaab. Waxaana halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay ciidamada iyo maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday.

“Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa cashar u dhigay Alshabaab, ka dib markii ay damceen in ay weerar ku qaadaan Saldhigga Ciidanka ee Raas Qabow, waxaa laga dilay 25 Maleeshiyaad ah,” ayuu yiri Taliye Dhaladheere. Wuxuu intaas ku daray in ciidamadu ay sii wadaan baacsiga xubnaha kale ee ku lugta leh weerarka.

Howlgalladan ayaa ku soo aadaya xilli maalmo ka hor ay ciidamada XDS ay dileen 59 ka tirsan maleeshiyaatka Alshabaab, ka dib labo howlgal oo ka kala dhacay gobollada Galgaduud iyo Shabeellaha Dhexe.

Waxaa dowladdu sheegtay in ay ka barbar shaqeynayeen ciidamada deegaanka iyo saaxiibo caalami ah, SNA waxay ku dileen 32 maleeshiyo deegaanka Garilay iyo 27 ka tirsan Yaaqle oo u dhow Xawaadlay, sida warka dowladda ka soo baxay lagu sheegay.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed