Qarax ay ay ku dhinteen dad ay ka mid yihiin muwaadniin Shiineys ah oo ka dhacay Pakistan.

Weerar ismiidaamin ah oo xalay galinkii dambe ka dhacay meel u dhow garoonka diyaaradaha ee Jinnah International Airport ee magaalada Karachi ee dalka Pakistan ayaa waxaa ku dhintay saddex qof oo laba ka mid ah u dhalatay Shiinaha halka qofka saddexaad uu ahaa Pakistani, sidoo kale qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay 17 qof oo kale, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha iyo safaaradda Shiinaha Isniintii.

War qoraal ah oo ay soo saartay safaaradda Shiinaha ee Islamabad ayaa lagu cambaareeyay wax lagu tilmaamay “Weerar Argagixiso”, iyadoo xaqiijisay dhimashada laba muwaadin oo Shiinees ah, iyadoo mid kalena dhaawacmay. Safaaradda ayaa tacsi u dirtay qoysaska dhibanayaasha, waxayna sheegtay inay la shaqeyneyso mas’uuliyiinta Pakistan dhacdada ka dib.

Booliska ayaa sheegay in qof keligiis isku soo xiray walxaha qarxa uu ku dhuftay gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay kolonyo ay la socdeen muwaadiniinta Shiinaha ah. Dadka dhaawacmay waxaa ka mid ah dhowr ka mid ah ciidamada ammaanka oo la socday kolonyada.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa si kulul u cambaareeyay weerarka, isagoo faray hay’adaha ammaanka inay cadaaladda horkeenaan kuwii ka dambeeyay.

War qoraal ah oo ka duwan, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Pakistan ayaa sidoo kale cambaareysay weerarka, iyadoo ku tilmaantay weerar aan saameyn Pakistan oo keliya balse sidoo kale taabtay “saaxiibtinimada joogtada ah” ee ay la leeyihiin Shiinaha.

“Way naga go’an tahay inaan cadaaladda horkeenno kuwii mas’uulka ka ahaa weerarkan fulaynimada ah,” ayaa lagu yiri warka soo baxay Wasaaradda.

Qaraxa oo ahaa mid xooggan oo laga maqlay meela fog fog, ayaa ka dhacay bannaanka garoonka diyaaradaha. Maamulka ayaa xaqiijiyay in dhammaan qalabka garoonka ay yihiin kuwo ammaan ah, islamarkaana aysan saameyn ku yeelan howlaha duulimaadka.

Kooxda gooni u goosadka ah ee Ciidanka Xoreynta Balochistan oo magacdooda loo soo gaabo BLA oo ah koox mamnuuc ah oo horay u bartilmaameedsatay muwaadiniinta Shiinaha ee Pakistan ku sugab, ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka.

Kooxda ayaa Shiinaha ku eedeeyay in uu ka faa’ideysanayo kheyraadka macdanta ee qaniga uu ku yahay gobolka Balochistan ee ku yaal koonfurta galbeed ee dalka Pakistan.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed