Madaxweynaha Soomaaliya oo Beijing ugu qayb galaya shirka Afrika iyo Shiinaha

Madaxweynaha JFSS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray Magaalada Beijjing ee Caasimadda Dalka Shiinaha, halkaas oo uga qaybgalayo Shir madaxeedka u dhaxeeya Afrika iyo Dalkaas. Mas’uuliyiin katirsan Xukuumadda Beijing ayaa soo dhaweeyay wafdiga  kuwaa oo u gudbiyay goobta loogu talagalay in ay degaan.

Socdaalka Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku qotoma ka qaybgalka shirka Afrika iyo Shiinaha oo ka furmi doono halkaas, iyada oo inta uusan billaabin kulankaan uu si hordhac kulamo gaar gaar ah la qaadan doonnaa Madaxda lagu casuumay shirkaan ee isugu jirta kuwa Afrika iyo Shiinaha.

Shiinaha iyo Afrika waxa ay shirkaan uga hadlayaan fursadaha ka bannaan qaaraddaan, Doorka ay ka qaadan karto Xukuumadda Beijing & waxyaabaha dhankeeda Qaaradda Afrika uga faa’iideysan karto maalgelinta lagu sameynayo.

Madasha waxaa kale oo yaalla dood la xiriirta wax iska weydiinta fadhiyadii hore iyo waxyaabaha ka dhaqangalay, iyada oo dhinac weliba uu miiska soo dulsaari doonno sida ay la tahay in wax loo hagaajin karo & talooyinka muhiimka ah.

Soomaaliya oo sanadkan si aad ah u raadineysa wadan ka gacansiiya soo dhisida kaabayaasha nolosha, haba ugu weynaadaan kuwa tabacba iyo dhanka ciidamada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed