Soomaaliya oo ka QM ka dalbatay in cunaqabateyn dhanka hubka ah la saaro Alshabaab

Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay iyo dalalka dariska ah inay si adag u dhaqan geliyaan cunaqabateynta hubka ee Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah Al-Shabaab oo xiriirka la leh Al-Qaacida.

Codsigan ayaa waxaa jeediyay danjiraha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Abuukar Cismaan, xilli uu shir ay isugu yimaadeen golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Danjire Cusmaan ayaa carrabka ku adkeeyay in baahi weyn loo qabo in la joojiyo dhammaan hubka, rasaasta iyo agabka milateri ee la gaarsiiyo Al-Shabaab, isaga oo adkeeyay in taageero kasta oo dhanka saadka ah ee kooxdan ay si weyn u wiiqi karto dadaallada socda ee lagu xasilinayo Soomaaliya iyo la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada gobolka.

“Xoojinta cunaqabateynta hubka waxay muhiim u tahay in la wiiqo awooda Al-Shabaab laguna dhimo awoodooda ay ku dhibaateynayaan dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan iyo in ay qalqal geliyaan qarankeena,” ayuu yiri Cismaan. Waxa uu sidoo kale ku booriyay wadamada in ay xaqiijiyaan in aysan jirin daldaloolo u ogolaan kara in hubka uu gaaro kooxdan.

Codsiga Soomaaliya ayaa imaanaya xilli dowladda Federaalka oo taageero ka heleysa saaxiibada caalamka ay xoojisay howlgallada ciidan ee ka dhanka ah Al-Shabaab. Kooxdan ayaa weli khatar weyn ku ah amniga Soomaaliya, iyaga oo si joogto ah u qaada weeraro ka dhan ah bartilmaameedyada rayidka iyo ciidamada.

Codsiga Danjire Cusmaan ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay wuxuu muujinayaa caqabadaha joogtada ah ee Soomaaliya ka haysta la dagaallanka kooxda iyo doorka muhiimka ah ee iskaashiga caalamiga ah uu ka ciyaaro dadaalladaas.

Golaha ammaanka ayaa la filayaa in ay ka doodaan wax ku oolnimada cunaqabateynta hubka iyo in ay sahmiyaan tallaabooyin dheeri ah si loo xaqiijiyo in Al-Shabaab laga qaado agabka ay u baahan yihiin si ay u sii wadaan ololahooda rabshadaha wata.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed