Maxay ka tiri Itoobiya ciidamadeeda in Soomaaliya laga saarayo

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in si dhow ay ula socoto xaaladda Soomaaliya gaar ahaan ciidamdeeda qaybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS iyo kaalintooda ku aadan sii waditaanka ka mid ahaanshiyaha hawlka cusub ee lagu dhawaaqay.

Isaga oo ka hadlayay qabanqaabada howlgalka cusub ee nabad ilaalinta Soomaaliya Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya, Nebiyu Tedla ayaa sheegay in Itoobiya ay si dhow ula socoto xaaladda dalka deriska ah, ciidamadeeda ka qayb qaadanaya iyo qayb muhiim ah oo ka mid ah amniga iyo xasilloonida gobolka.

Afhayeenku waxaa kale oo tilmaamay in ay la socdaan dalalka ku yaboohay ciidamada ay yihiin daneeyayaal muhiim ah oo arrintan khuseeya iyo in la tixgeliyo aragtidooda.

Dhanaka kale waxaa uu muujiyay sida ay Itoobiya u aaminsan tahay in hay’adaha ay khusayso, oo ay ku jiraan AU iyo UN, ay hubin doonaan la tashiga lagama maarmaanka ah ee dhammaan dhinacyada ay khusayso oo ay ku jiraan ATMIS iyo in si taxadar leh loo diro si looga fogaado isfaham la’aanta aan loo baahnayn iyo xiisadaha gobolka ee lama filaanka u dhici kara.

Bishaan 7-deedii agoosto, qayb ka mid ah Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ayaa ka baxay saldhiga Maxaas ee gobolka Hiiraan sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya, kaasi oo qayb ah dhimista ciidamada dalkaasi.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheggtay in ciidamada Itoobiya ay guud ahaan dalka isaga bixi doonaan bisha inagu soo aadan ee Septembar 2024-ka, taasi oo la micna ah in aysan ka mid noqon doonin howlgalka cuusb ee AUSSOM oo la filayo in uu bilowdo bisha koowaad ee sanadka soo socda.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed