Dal kamid ah howlgalka ATMIS oo sheegay in ay sii joogi doonaan Soomaaliya xitaa haddii uu dhammaado howlgalka nabad ilaalinta ee ATMIS

Uganda ayaa sheegtay inay ciidankeeda sii joogi doonaan Soomaaliya , haddii xata la soo afjaro howlgalka ATMIS ama ciidanka Uganda laga saaro howlgalka cusub ee Midowga Afrika , sida u sheegay taliye ku-xigeenka howlgalka ciidanka Uganda,Jen. Nathan Mugisha.

“Ciidanka Uganda waxay ku sugnaan doonaan qaab kasta oo ay tahay Soomaaliya.” ayuu yiri Jen. Nathan Mugisha, oo intaa ku daray inay golaha ammaanka ka codsadeen joogitaankooda Soomaaliya oo laga oggalaaday, sida uu caddeeyay, mar uu isku dayay inuu sharraxo hadalkiisa ayuu yiri ‘si kasta oo ay noqoto inay joogayaan Soomaaliya’ waxaa kalo uu tilmaamay mar kasta oo ciidanka ATMIS la dhimo inay fursad u tahay kooxda Al shabaab.

Ciidanka Uganda, waxay ka mid yihiin kuwa ugu badan iyo ciidanka waqtiga ugu dheer ku sugan Soomaaliya , mid ka mid ah waxyaabaha ay dalalka u doorbidayaan sii joogitaanka Soomaaliya ayaa ah dhaqaalaha badan ee ay helayaan inta ay qayb ka yihiin howlgallaya nabad ilaalinta. Laakin waxay gudaha Soomaaliya kala kulmayaan dhaliil la xiriirta sida aysan door firfircoon uga qaadanayn la-dagaallanka Al shabaab, sida ay qabaan khubarada darsa arrimahaan.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed