Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho, ayaa gacanta ku soo dhigay hoobiyaal kala duwan kuwaas oo laga soo qabtay xaafad ku taal degmada Deyniile ee gobolka Banaadir kaddib howlgallo xooggan oo ay sameeyeen laamaha ammaanka.
Afhayeenka booliska Qaasim Axmed Rooble oo maanta shr jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay hoobiyeyaal iyo hub kale oo tiro badan oo lagu soo qabtay howlgalka, oo qaatay muddo badan, laguna raad joogay.
Hubkan ayaa oo la tusay Warbaahinta laguna soo bandhigay, Qaasim Axmed Rooble ayaa sheegay in illaa 140 xabo oo hoobiye ah gacanta lagu soo dhigay, wuxuuna shacabka ugu baaqay inay kala shaqeeyaan ammaanka caasimadda.
Muddooyinkii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo dhacayay hoobiyaal khasaaro dhaliyay oo ku soo dhacay degmooyin kala duwan oo ku yaal caaasimadda, waxaana socda dadaallo badan oo hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ay wadaan, si amni buuxa ay u helaan dadka ku nool caasimadda.
Si kastaba, arrintaan ayaa ku soo aadeysa, xilli hoobiyaal lagu garaacay ee xalay xaafado ka tirsan magaalada gudaha Muqdisho. Hoobiyeyaasha ayaa laga soo tuuray dhinaca degmada Yaaqshiid, sida ay shaaciyeen saraakiisha laamaha amniga Soomaaliya.
Ilaa Saddex ka mid ah waxaa la xaqiijiyey inay ku kala dhaceen degmooyinka Boondheere iyo Cabdicasiis, inkastoo aanan faah faahin rasmi ah laga bixin khasaaraha ka dashay. Dhanka kale hal askari ayaa ku dhaawacmay hoobiyihii koowaad oo ku dhacay gudaha xerada gaadiidka ciidanka booliska Soomaaliyeed oo ku taalla degmada Cabdicasiis.
HBN NEWS DESK