Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in howlgal ay ku dileen ku dhawaad 30 xubnood oo ka tirsanaa Al shabaab oo u ku jiro hoggaamiye sare

Ciidanka dowladda Soomaaliya oo kaashanaya Saaaxibada Caalamiga ah ayaa howlgallo cirka ah ka fuliyay deegaanno ka tirsan koofurta gobolka Mudug, isla markaana waxa lala eegtay xubno ka tirsan kooxda Al shabab, oo uu ku jiray hoggaamiye sare, sida lagu daabacay warbaahinta dowladda.

Howlgalka ayaa  laga sameeyay deegaanka Jeex-jeex ee Koonfurta Mudug, kadib markii ay soo buux dhaafiyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka.

Ciidamada iyo kuwa deegaanka ayaa sidoo kale shalay isla gobolkaasi ku dilay in ka badan 50 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabaab, sidaas waxaa sheegtay Wasaaradda Gaashaandhigga xukuumadda Soomaaliya.

Muddooyinkii dambe ciidamada isku dhafka ah ee ee ku sugan gobolka Mudug ayaa waday howlgallo ka dhan ah ururka Al shabaab, kuwaas oo ka saaray deegaanno istaraatiiji ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed