8 Kamid ah Dagaal Yahannad Al Shabaab oo La Sheegay in Lagu Dilay Jubbaland

Howlgal ay sameeyen Ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland ayaa waxaa uu ka dhacay Gobolka Jubbada hoose, saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in 8 ka mid ah Al Shabaab ay dileen.

Howgalkaan ahaa ka dhacay deegaanka Buula Maadey iyo deegaano kale oo hoosta gobolka waxayna ka saareeen miimooyin dhulka lagu aasay, iyaga burburiyay Fariisimo Al shabaab ku lahaayeen Deegaannaas.

Wasiirka Warfaafinta Jubbaland Saleebaan Maxamud Maxaamuud ayaa hoosta ka xariiqay in ay sii wadi doonaan howlgalladaan Al shabaab looga saarayo Gobolka Jubbada Hoose iyo guud ahaan deegaannada Jubbaland.

Dhanka kale waxaa sheegay in qorshahoodu uu yahay in gaaraan Degmada Bu’aale oo kamid ah magaalooyinka ugu weyn Jubbaland oo ay Alshabaab Ku Xoogga yihiin taniyo markii ay aas aas meen, waxaa xusay oo kale im Muqdisho iyo Jubbaland ay isku furi doonaan.

HBN News Desk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed