Walaac xooggan oo laga qabo fahaadaha Wabiyada Jubba iyo Shabeelle ee gobolada u nugul

Dadka ku nool hareeraha webiga Shabeelle ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo qeybo ka mid ah Soomaaliya ayaa sii kordhaya walaaca ay muujinayaan, kadib markii ay sare u kaceen heerka biyaha wabiga. Muuqaalo laga soo duubay deegaanka Iimeey ee galbeedka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa muujinaya qulqulka biyaha wabiga Shabeelle oo aad u kacsan.

Walaaca ay qabaan dadka deegaanka, ayaa mid ka mid ah dadka deegaanka oo lagu magacaabo Axmed Shumburo uu ku tilmaamay xaalad adag. Waxa uu carabka ku adkeeyay in biyaha wabiga uu yahay mid ka xoog badan sidii hore oo ay suuragal tahay in uu fataho deegaanada ku xeeran. “Xaaladdu aad bay uga sii liidataa sidii hore marka dadka ku nool hareeraha webiga ay farriintan gaaraan. Biyaha habeenkii aad bay u xoog badan yihiin, laakiin ma helin wax ka badan biyahan xilliga dayrta,” ayuu yiri.

Soomaaliya, meelaha ugu cabsida badan waxaa ka mid ah magaalada Baledweyne oo xarun u ah gobolka Hiiraan. Wabiga dhex mara magaalada Baledweyne ayaa markii horeba gaaray heer aad u sarreeya, waxaana haddii ay sii kordhaan biyaha ay keeni karaan fatahaado xooggan oo ka dhaca gobolka.

Maamulka maxalliga ah iyo ururada bani’aadamnimada ayaa si dhow ula socda xaaladda, u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee suurtagalka ah ee la xiriira daadadka waxayna taageero siinayaan bulshooyinka ay dhibaatadu saameysey. Cabsida iyo welwelka ku aaddan kor u kaca heerarka biyaha wabiga Shabeelle ayaa hoosta ka xariiqaya baahida degdegga ah ee loo qabo tallaabooyin firfircoon si loo yareeyo saameynta fatahaadda ee gobollada u nugu gaar kuwa ay maraab wabiyada Jubba iyo Shabeelle.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed