Wasiiradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Kenya oo kulan ku leh magaalada Muqdisho

Wasiiradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Kenya oo kulan ku leh magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo arrimo xasaasi ah oo khuseyo labada dal.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa Magaalada Muqdisho kusoo dhaweeyay wafti uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca Dalka Kenye M Aadan Barre Ducaale.

Labada dhinac ayaa gali doona wadatashiyo ku aaddan iskaashiga iyo dardargalinta howlgalada lagu ciribtirayo kooxda Al shabaab ee qaraxyada ka fuliya gobolka.

Kulankan ayaa inta badan lagu gorfeyn doonaa xaaladda gobolka iyo iskaashiga. kulankaan ayaa imanaya iyada oo Soomaaliya uu ka socdo dagaal ka dhan ah Al shabaab, halka dalka Kenya Ciidamao ay ka joogaan Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed