Ciidamada dowladda Soomaaliya oo isku furay deegaanno ku yaal Hiiraan iyo Galgaduud

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sameeyay howlgallo ka dhan Al shabaab deegaanno ku yaal gobolada Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo ka hor tagay weeraro ay qorsheynayeen dagaalyahanno ka tirsan kooxda.

Guutada 26-aad ee Ciidanka Xoogga Soomaaliya ee loo yaqaan Cali Binu Daalib ayaa maanta howlgallo ballaaran waxa ay ka sameeyeen tuulooyinka Ceel-gorof, Ceel Boorre iyo Geedi Koror oo ku yaalla inta u dhaxeysa xadka Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Howlgalka ayaa waxaa hogaaminayay Col. Ismaaciil Cabdi Maalik Macalin oo ah taliyaha guutada 26-aad ee Cali Binu Abii Daalib. Ciidamada ayaa ku guuleystay furitaanka wadada isku xirta degmooyinka Maxaas iyo Wabxo.

Intii uu howlgalka socday ayaa ciidamada qalabka sida waxa ay soo saareen miinooyin ay Al shabaab ku aaseen qaar ka mid ah waddooyinka, xubno ka tirsan Al shabaab oo goobta ku sugnaa ayaa  isaga baxsaday.

Howlgalkan ayaa qeyb ka ah howlgallada ay wadaan ciidamada  Soomaaliya loogu ciribtirayo  dalka. Madaxweynaha ayaa ku sugan jiidaha hore ee dagaalka si uu u abaabulo dadaalka ugu dambeeya ee wejiga kowaad iyo u diyaargarowga wejiga labaad ee weerarka.

Muddooyinkii dambe ciidamadsa dowladda oo kaashanaya saaxiibada Caalamiga ah ayaa wadday howlgallo ka dhan kooxda Al shabaab.

HBN NEWS DESK. 

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed